Daawo muuqaal: Shirka Wadatashiga Qaran oo heshiis laga gaaray lana soo gabagabaynayo maalinta Khamiista

25 May 2021 (Puntlandes) Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray heshiis, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad, waxaana uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiya gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

“Ra’iisul wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Shirkan oo bilowday Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa loogaga hadlay qodobo muddo dheer soo jiitamayay in heshiis laga gaaro waxaana haatan muuqata in shirka laga gaarayo heshiis buuxda.


Puntlandes.com

About The Author