Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta ka hadlaya xaalada Soomaaliya

25 May 2021 (Puntlandes) Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta oo talaado ah shir gaar ah ka yeelan doonaa xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM, ayaa lagu sheegay in Goluhu maanta shir ka yeelanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna doorashooyinka dalka.

Shirka Golaha Ammaanka waxa si gaar ah diiradda loogu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ay ku jirto doorashada iyo sidoo kale arrimaha banii’aadannimada.

Shirka waxa warbixinno kooban siin doona Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa Soomaaliya, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

About The Author