Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo tababar usoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Puntland

26 May 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa maanta tababar usoo xiray Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Puntland.

Tababarka oo socday muddo saddex cisho ah ayaa ku saabsanaa horumarinta, kor u qaadida iyo qiimeynta howlgudashadda shaqaalaha[Performance appraisal form].
Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan

Shire Cabdi,Ku-simaha Agaasimaha Guud Keynadiid Cali Jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil ayaa goobjoog ka ahaa xiritaanta tababarka.
Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Cali Ismaaciil oo ka hadlay ujeedada tababarka ayaa sheegay in looga gol-leeyahay Tayaynta shaqada iyo shaqaalaha.

Tababarkan oo u bixinayay Khabiir Climent Opera ayaa u jeedadiisu ahayd qodobadan soo socda sida:
01. Gudashadda mas’uuliyadda shaqada.
02. In la xoojiyo wadashaqeynta shaqaalaha dhexdooda.
03. In la wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya shaqaalaha iyo madaxda.
04. In la hirgeliyo Isla-xisaabtan shaqo.

Ku-simaha Agaasimaha Guud Keynadiid Cali Jaamac ayaa u sheegay shaqaalaha sababta loogu soo xushay tababarka ay tahay in shaqaaalaha kale gaarsiiyaan casharada ay ku qaateen tababarka isla markaana lagula xisaabtami doono.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo soo xiray tababarka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iney usoo gudbiyaan aqoonta ay ka barteen tababarka shaqaalaha kale ee Maaliyadda iyo Bangiga dowladda.

” ” Aqoonta aad barateen waxa la doonayaa in laga arko xafiisyada Wasaaradda iyo Bangiga” ayuu yiri Mudane Xasan Shire Cabdi
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga ayuu kula dardaarmay in laga doonayo qudhooda dabagal lagula soconayo shaqada ,laguna abaal-mariyo shaqaalaha xil-gudashadooda.
” Waxaa la rabaa in cilmigii la bartay in Wasaaradda loo gudbiyo ,shaqaalaha loo gudbiyo la iskuna dabagalo ..” ayuu yiri mar kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal weyn ugu jiray tayaynta iyo kor u qaadida aqoonta shaqaalaha si loo helo shaqaale tayo iyo waxqabad leh.


Puntlandes.com

About The Author