Cabdi Xaashi oo tagay madasha kulanka iyo wadahal hor leh oo ka bilaabanaya arrinta ku saabsan Somaliland

27 May 2021 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa Cabdi Xaashi oo gaaray madasha kulanka, iyadoo uu ka bilaabanayo wadahal hor leh arrinta ku saabsan guddiga doorashada ee Somaliland.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo lagu waday inuu soo xirmo maanta gelinkii hore ayaa u xanimay muranka hareeyey sida loo qaybsanayo guddiga Somaliland ee doorashada iyo xubnaha u matalaya guddiga Federaalka iyo guddiga khilaafaadka.

Farmaajo ayaa doonaya inay dhankiisa ka timaato 7 xubnood oo ka mid ah 11 xubnood ee guddiga Somailand, halka uu u ogol yahay garabka cabdi xaashi 4 xunbood, waxaana uu ku xisaabatamayaa dib u doorashadiisa xildhibaanada Somailand oo 60ku dhow.

Cabdi Xaashi ayaa tabasho ka keenay qaabka loo qeybiyay xubnaha Guddiga doorashada Somaliland oo aheyd caqabada ugu weyn ee la isku mari la’aa maalmihii uu socday shirka, waxayna ku hanjabeen inaysan qayb ka noqonay n doorashada.

Puntlandes.com

About The Author