Akhriso War murtiyeedka Shirka Madasha Qaran ee arimaha doorashada iyo qodobo kale

27 May 2021 (Puntlandes) Kadib markii la xaliyay khilaafka sababay inay dib u dhacdo munaasabada lagu soo gunaanudayay shirka Madasha Qaran ayaa ugu dambeyntii waxaa haatan si rasmi ah loogu dhowaaqay war murtiyeedka shir muddo toddobaad ah u socday Madaxda dowlada federalka,madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabada shaacinta ayaa waxaa goobjoog ka ah madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, guddoomiyaasha labada gole, ra’iisul wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada, midowga musharaxiinta iyo marti sharaf kale.

Qodobada War-murtiyaadka ayaa waxaa kamid ah in la bedelo xubnaha guddiga Doorashada ee doodda dhaliyay,iyadoo muddo toddobaad gudihiis ah lagu magacaabayo isla markaana guddiga ay dooran doonaan hoggaan cusub.

  1. In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubaland, in amniga ay sugaan Amisom Boolis ah.
  2. In guddiga doorahada Somaliland uu 6Xubnood uu soo magacaabo Gudoomiyaha Aqalka Sare.
  3. In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda.
  4. In 60 Maalmood gudahood ay ku dhacdo Doorashada Soomaaliya.
  5. Doorashada Somaliland waxaa hogaaminaya oo maamulaya Ra’iisul Wasaaraha asaga oo la tashanaya Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.
  6. In muddo shan maalmood lagu bedelayo xubnaha lagu muransan yahay guddiyada doorashooyinka iyaddoo ra’iisul wasaaraha loo gudbinayo xubnaha cabashada laga qabo
  7. In guddi dib-u-heshiisiin loo saarayo nabadeynta gobolka Gedo iyadda oo Jubaland aysan qeyb ka ahayn guddiga ayna min laba xubnood ku leeyihiin maamulada
  8. In ciidan AMISOM ah loo dirayo gobolka Gedo si ay qeyb uga noqdaan qorshaha nabadeynta
  9. In taliyeyaasha ciidamada amniga aysan qeyb ka noqon siyaasadda iyo oloha doorashooyinka
  10. In 60 maalmood lagu qabto doorashada guud iyadda oo guddiga heer federaal ay soo saarayaan jadwalka iyaga oo tixraacaya muddadaas la asteeya

Hoos ka akhriso war murtiyeedka



Puntlandes.com

About The Author