Sawirro: Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay munaasabadda gunaanadka Shirka arrimaha Doorashada Soomaaliya

27 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay munaasabadda gunaanadka Shirka arrimaha Doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu muujiyay sida ay Dowladda Puntland uga go’aantahay in ay dalka ka dhacdo Doorashada maanta laga heshiiyay.

Dowladda Puntland ayaa marwalba u taagan dhismaha Dowladdnimada Soomaaliya oo ay Puntland dadaal joogto ah ku bixiso, wuxuuna Madaxweyne Deni wakhtigeliyay sidii dalku uga gudbi lahaa marxaladda dalku ku jiro taasi oo maanta laga gun gaaray.


Puntlandes.com

About The Author