Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilka looga qaaday golaha deegaanka degmada Balanbale

29 May 2021 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuixigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).


Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo Beesha Habargidir ku qabsatay beesha Mareexaan qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.

Sharciyan madaxweyne kuxigeen xil kama qaadi karo wasiir inuu shaqada ka sii joojiyo ma ahane, maxaa yeelay waxaa magacaabay madaxwewyne, laakiin waxaad moodaa in sharci daradu ay sharci tahay.


puntlandes.com

About The Author