Sawirro: Dugsiyada Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo ay socoto qaban qaabada xaflada soo af-meerida Ciidamada booliska

29 May 2021 (Puntlandes) Dugsiyada Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo ku yaala degmada qardho waxaa si wayn looga dareemayaa qaban qaabada xaflada soo af-meerida Ciidamada booliska oo mudo tababar uga socday Dugsiga Xorgoble.

Xorgoble waxaa booqaday Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga dib uhabaynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada daraawiishta iyo Taliyaha Ciidamada booliska Dawladda Puntland.

Guddiga waxaa Xorgoble ku soo dhoweeyay Taliyaha Dugsiga waxana ay saalaan sharaf ka qaateen Ciidamada tababarku uga socday Dugsiga Xorgoble.
Xukumadda uu hoggaaminaayo Madaxwayne Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wali ku guda jirta dhismaha Ciidamada waana balan qaad- yadii Madaxweyne Deni oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.


Puntlandes.com

About The Author