Daawo muuqaal: Mahdi Guled ”Reer Koofureedku ha ka bartaan habka doorashada reer Waqooyiga”

30 May 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowlada federalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka reer Koofureedka inay ugaga daydaan shacabka reer Waqooyiga habka la isku doorto isagoo ka hadlayay doorashada ka dhacaysa maamulka la magac baxay Somaliland.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya ayaa ammaan weyn huwiyay dadka reer waqooyiga isagoo ugu baaqay shacabka degen gobolada Koofureed ee dalka inay qaabka codeynta ka bartaan shacabka reer Waqooyiga.

Mahdi Guled ayaa yiri “Walaalaha Koofureed waxaan ugu baaqayaa inay cashar ka bartaan sida xorta ah oo xalaasha ah oo qofka muwaadinka ah codkiisa u dhiiban karayo”

Mahdi Maxamed Guuleed oo ka hadlayay warbaahinta ayaa u hambalyeeyey shacabka ka soo jeeda gobolada Waqooyi doorashada ay u dareerayaan subaxnimada Isniinta ee 31ka bishan May 2021.

Mahdi Guled ayaa yiri “Waxaa rabaa in aan u hambalyeeyo maalinta doorashada 31 May shacab weynaha Somaliland, sida dul qaadka, ilbaxnimada iyo waaya aragnimada ku jirto oo ay ugu dareereen, ugu ololeynayeen in doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro ay ka wada qeyb qaataan,”

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya Khadar Guuleed ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay ilaaliyaan nabadda inta ay socoto doorashada.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa hore ugaga mid ahaa guddiyada doorashooyinka maamulka la magac baxay Somaliland kahor inta uusan ku soo biirin dowlada federalka oo uu xil weyn ka qabtay.


Puntlandes.com

About The Author