Rooble oo Amar dul dhigey Wasaaradaha dowlada

31 May 2021 (Puntlandes) Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha 26 bishan May ayaa lagu faray dhammaan Wasaaradaha iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda in aanay gaari karin lana shaacin karin go’aan cusub oo aan ogolaansho looga helin Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Arrintan ayaa waxay muujineysa in Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda aanay wax magacaabis ama dano kale oo shaqsi u adeegsan awoodahooda inta lagu guda jiro xilliga kala guurka, iyadoo horay loo bartay in marka olole doorasho jirto in Wasiirada qaar sameeyaan magacaabis xilal, si ay danahooda u gaaraan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha

About The Author