Madaxweyne Deni oo dib ugu laabtay Puntland

31 May 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo af-meeray safarkiisii Muqdisho, kadib markii heshiis rasmiya laga gaaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland, isagoo guda-gali doona wax ka beddelka xubno ka tirsan guddiyada doorashooyinka heer Federaalka.

Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee Muqdisho lagu saxiixay ayaa qodob kamid ah qeexayay in isbeddel lagu sameeyo xubnaha ka tirsan guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo cabasho laga muujiyay.

Xubnaha cabashada laga muujiyay ayaa u badan shaqaale ka tirsan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka oo loo arko in aysan dhex-dhexaad noqon karin.

About The Author