Sawirro: Kulan ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Koofurgalbeed

31 May 2021 (Puntlandes) Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay hoygiisa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, wasiiro iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Koofur Galbeed.

Kulankan qadada ayaa ku yimid kulamo iyo wadatashiyo si gaar gaar ah u yeesheen Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta horay xilalka u soo qabtay, waxaana uu ahaa mid looga hadlay siyaasadda guud ee dalka, masiirka deegaanada ay ka soo jeedaan iyo sidii mad madowga siyaasadeed ee dhexdooda meesha looga saari lahaa, marxalada hadda lagu jirana looga gudbi lahaa isku duubni iyo midnimo.

Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay wadaan kulamo ay la yeelanayaan siyaasiyiinta wadanka iyadoo dhowaan la filayo in la bilaabo doorashada xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Soomaaliyeed.


Puntlandes.com

About The Author