Sawiro: Afhayeenka Puntland ee Uk Caabi oo booqasho ku maray magaalooyin ka yaal Dermark

Afhayeenka Dawlada Puntland ee UK Cabdi Axmed Caabi oo maalmihii u dambeeyey booqanayey dalka Sweden gaar ahaan caasimada labaad ee Gothenburg ayaa wuxuu booqasho ku gaaray shalay magaalooyin ka tirsan dalka Denmark. Waxaana uu Caabi guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan jaaliyada reer Puntland u sharxayey Horumarka ka jira Puntland iyo inay maalgashtaan Puntland.

Magaalooyinka uu booqday Dawlada Puntland ee UK Cabdi Axmed Caabi waxay ahaayeen Herning, Odense iyo Århus oo ah caasimada labaad ee dalkaasi.

Mr Caabi ayaa dib ugu soo noqday magaalada Gothenburg ee dalka Sweden isagoo halkaas kasii wata safarkiisii shaqo.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14
Puntlandes.com

About The Author