DEG DEG: Axmed Madoobe iyo Beesha Harti oo ku kala kacay shir ka dib markii ay isku fahmiwaayeen

War sugan oo Puntlandes ka heshay magaalada Kismaanyo ayaa sheegaya in ay ku kala kaceen shir ay isugu yimaadeen Axmed Madoobe, oo isaga iyo Beeshiisa Absame qaybiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland uu yeelan doono inta ugu badana ay qaateen, iyo Beesha Harti.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Beesha Harti  oo xasaasi ahaa ka dib markii ay Beesha Harti qaadacday in ay qaadato 4 Xildhibaan ee Beesha Absame siisay, ayaa Axmed Madoobe kulanka odoyaasha Harti la soo shir tagay wax aan looga fadhin iyo calaacal ku soo ururaya samra oo qaata waxaan idin siinay.

Axmed Madoobe  ayaa wuxuu yiri isagoo la hadlaya odoyaasha Harti “waan ogahay in Beelaha Harti tirada la siiyey ay ku yartahay.  Waxaanse idinka odsanayaa in aad ogaataan Kuraastiinii aniga ayaa bixiyey oo Beelo idinka daran ayaan siiyey, si aan u gaarno xalwaara iyo is afgarasho deegaankan ah, nabad iyo heshiis loogu wada noolaado, waana Kuraastii Beelaha Harti ku raadiyey Nabad dadka deegaanku wadaagaan”

Odayaasha Beelaha Harti waxay ku noqoytay filanwaa hadalka uu la soo shirtagay Axmed Madoobe, waxayna ku dhaheen oo maxaad kuwa tirada badan ee aad Beeshaada siisay aad nabada aad sheegayso ugu raadin wayday? Odoyaasha Beesha Harti ayaa markiiba shirka isaga baxay isagoo uu halkaas ku fashilmay calaacalkii Axmed Madoobe.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author