Sawirro: Sariirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo oo booqday Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

21 June 2021 (Puntlandes) Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdufataax Cabdulaahi Xasan, Qusulka Itoobiya ufadhiya Puntland, Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Wasaarada Duulista iyo Hawada, Ganacsato iyo Duqa Degmada ayaa booqday garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Wafdigan ayaa kormeer ku sameeyey Laamiga ay ku ordaan Diyaaradaha ka kicitama Garoonka iyo kuwa soodagaya si ay uga soo dagaan garoonka Diyaarada Ethiopia Airline iyo Diyaaradaha Ganacsatada Itoobiya si loo fuliyo Heshiiska Ganacsi horay uwada galeen Xukuumada Puntland iyo Dalka Itoobiya.


Puntlandes.com

About The Author