Sawirro: Xisbiyadda Waddani Iyo UCID oo isku raacay doorashada shir gudoonka Golaha Wakiilada

22 June 2021 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa soo xirmay Kulankii Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Isbahaysiga Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo socday 3 cisho.

Waxaana ay labada Xisbi shaaciyeen Murashixiinta Isbahaygsiga ugu sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Guddoomiye Kuxigeenka 1aad & 2aad.

Waxayna hogaanka shir-gudoonka golaha wakiilada u xusheen:

  1. Xil Cabdirisaq Khaliif Axmed – Guddoomiye WADDANI
  2. Xil Cumar Jaamac – Gudoomiye ku xigeen UCID
  3. Xil. Cali Xaamud Jibriil – Gudoomiye ku xigeen labaad UCID


Puntlandes.com

About The Author