Rooble oo shir ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

22 June 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku casuumay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Shirka oo Muqdisho ka dhacaya maalinta axada ee soo socota oo ku beegan 27ka May ayaa waxaa lagu shaaciyey qoraal kooban oo la soo dhigay barta uu Rooble ku leeyahay Facebook, wuxuuna u qornaa sidaan hoose:

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka shir Sabtida ka dhacaya Muqsisho, kaas oo la isaga wareysanayo howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

About The Author