Sawirro-Muuqaal: Dawladda Puntland oo gacanta ku haysa dhismaha golaha Deegaanka Degmada Jariiban iyo kulan ka dhacay….

23 June 2021 (Puntlandes) Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Musadaq, oo ay Wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Guddoomiyaha Gobalka Mudug , ayaa kulan laqaatay Maamulka Degmada, ,Waxgarad, odayaasha, Degmada Jariiban ee Gobalka Gobalka Mudug

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa Arrimaha dhismaha Golaha deegaanka Degmada Jariiban, iyo sidii odayaasha doorkooda uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Golaha Deegaanka, Xoojinta amniga, Wada shaqeynta Dowlada iyo bulshada iyo wacyi galinta Hannaanka Geedi socodka Dimuquradiyada Puntland.

kulanka waxaa sidoo kale Goob Joog ahaa Xildhibaan Feysal Cumar oo ka tirsan Baarlaamanka Puntland, Agaasimaha Waaxda Dowladaha Hoose ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isuduaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gobalka Mudug.

Ugu danbeyn kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan waxaana lagu ballamay in sida ugu dhokhsaha badan odayaasha ay u soo gudbiyaan liiska xubnaha Golaha deegaanka Degmada Jariiban.



Puntlandes.com

About The Author