Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shidde oo gaaray magaalada Berbera

24 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la kulmay wefti ballaaran oo uu hoggaamainayo wasiirka maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo ay wehelinayaan wasiirka gaadiidka Marwo Dagmawit Moges Bekele Iyo madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Wafdigaan ayaa u yimid Berbera ka qeyb galka xaflada xariga looga jarayo Dekeda Berbera oo Shirkadda DP World ay ku sameysay dib u casriyeyn iyo ballaarin Dekeda Berbera oo dhowaan dib loo howli doono.

Heshiiskii saddex geesoodka ee sanadkii 2018 dhex maray Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigayay in 51% saamiga horumarinta Dekeda ay yeelato DP World, 30% ay yeelato Somaliland, halka dowladda Itoobiya ay yeeaneyso 19%.


Puntlandes.com

About The Author