Sawirro: Maxaa looga hadlay shirkii Golaha wasiirada dawladda Puntland?

24 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, Dhismaha Marsada iyo Suuqa Boosaaso iyo warbixinta qorshaha horumarinta Puntland sida qiimeynta iyo dabagalka mashaariicda horumarin.


Puntlandes.com

About The Author