Dowlada Soomaaliya oo qaadacday warbixinta Guddiga Qiimeynta madax bannaan ee Midowga Afrika

17 July 2021 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay warbixin ka soo baxday Guddiga Qiimeynta madax bannaan ee Midowga Afrika, kaasoo aan lagala tashan dowladda Federaalka.

Warbixinta ayaa waxaa ka mid ah soo jeedin ku saabsan in ciidan isku dhaf ah loo soo diro Soomaaliya oo isugu jira AU iyo UN wajiga koowaad ee bisha Janaayo 2022 illaa December 2022, kaasoo ah howlgal cusub.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa ku jiray inuu u gudbi doono wajiga labaad oo bilaabaya Janaayo 2023 illaa December 2023, kaasoo ah howlgalka xasilinta oo awooddooda lagu kordhinayo Ciidanka dowladda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Warbixinta ayaa sidoo kale ku jira in Howlgalkaas uu soo gabagaboobi doono 2026, Ciidamada Soomaaliya ay la wareegi doonaan ammaanka dalka.

Warbixinta Midowga Afrika ayaa nuxurkiisu yahay mid meesha ka saaraya bixitaanki AMISOM iyo in ciidamada dowladdu la wareegaan amniga dalka sidii horay loogu heshiiyay ee uu dhigayay qorshaha kala guurka ee AMISOM iyo ciidamada Dowladda Soomaalia (Somali Transition Plan).

Sidoo kale Midowga Afrika waxay ku baaqaysaa in magacaha howl-galka AMISOM loo badalo oo UN ku qeyb ka noqdaan iyo in la isticmaalo ciidamada cusub oo gobolka ah sida East African Stand by Force (EASF) ciidamadooda.

Waxaa kaloo Warbixinta Midowga Afrika dalbaneysaa awood dheeri ah in laga siiyo dhanka hoggaaminta siyaasadda Amniga dalka, taas oo meesha ka saareysa awoodda Dowladda Federalka ah oo hada hoggaamisa Siyaasadda Amniga dalka.


Puntlandes.com

About The Author