Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ku baaqay in la mideeyo guddiga doorashada gobolada Waqooyi

17 July 2021 (Puntlandes) War-saxaafadeed ay soo saareen xubnaha uu hormuudka u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

Guddiga ayaa Ra’iisal wasaare Rooble ugu baaqay in uu ficil ahaan uga dhabeeyo balanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

Hoos ka akhriso qoraalka:


Puntlandes.com

About The Author