Sawirro: Diyaarad shil ku gashay garoonka diyaaradaha Ceel-waaq

21 July 2021 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in garoonka degmadaas ay maanta ku dhacday diyaarad rakaab sidday.

Diyaaradaan oo sidday 45 qof waxayna kana soo kacday magaalada Nairobi ayaa ka baxday dhabaha diyaaradaha, (runway), markii ay ka degeysay garoonka diyaaradaha degmada Ceel-waaq.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Ceel-waaq ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilka diyaaradeed, isla markaana dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda laga soo saaray iyaga oo bad qaba.


Puntlandes.com

About The Author