Mareykanka oo duqeyn ka geystay koonfurta gobolka Mudug

20 July 2021 (Puntlandes)  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Al-shabaab ay maanta ka dhacday deegaanno ka tirsan Galmudug.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay duqeyn lala beegsaday Alshabaab ka dhacday Deegaanada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasoo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka Kumaandooska ah Xoogga Dalka ee DANAB”.

“Duqeynta lagu difaacayey Ciidanka wax dhibaato uma gaysan dadka rayidka ah” ayaa la sii raaciyay war-axaafadeedka.

Dhanka kale war ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmugu ayaa lagu sheegay in dagaal u dhexeeyay ciidamada Federaalka iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo Al-shabaab uu maanta ka dhacay aagga tuulada Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug, dagaalkaasna ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha duqeynta geysta ee Mareynkanka.

Galmudug waxay intaas ku dartay in duqeynta oo khasaare badan geysatay lala helay fariisinka qaar ka mid ah amiirada sare ee kooxda Al-shabaab.

“Ilo Alshabaab dhexdooda iyo dadka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 50 ka mid ah madaxda iyo maleeshiyaadka Shabaab ay halkaas ku la’deen, dhaawacooduna uu kor u dhaafayo 80” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Galmudug.

Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Galmudug iyo khasaaraha ka dhashay duqeynta Mareykanka oo laga helayo deegaannadaas.

Ciidamada DANAB ayaa waxaa dhanka duqeymaha ka taageera Mareykanka oo marar badan duqeymo ka geystay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dagaalo qaraar ka socdeen koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Federaalka iyo Galmudug oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

About The Author