Sawirro-muuqaal: RW Rooble oo umahadceliyey Gudiga Dib uheshiisiinta Gobolka Gedo sheegayna in lagu guulaystay arinta Gedo

21 July 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Guddiga Dib u heshiisiinta gobolka Gedo ay u soo gudbiyeen Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gedo ayaa ka hadlay arimmo kala duwan oo ay ka mid yihiin khilaafka gobolka gedo, doorashooyinka dalka, xayiraadaha lagu soo rogo siyaasiyiinta iyo diyaaradaha iyo hankiisa siyaasadeed.

“Waxaan u umahadcelinayaa guddiga dib u heshiisiinta gobolka gedo ee ka koobanaa wasiirada arrimaha gudaha dawlad goboleedyada dalka, waxayna ku guuleysteen xaaladihii ka jirey gobolka gedo.”ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay Rooble in arrinta gobolka Gedo ay ka harsan tahay oo kaliya in wareegto ay ka soo wada saaraan Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Jubaland madaxda degmada Garbahaarey.

“Waxaan xaqiiinayaa in qodobkana gedo oo caqabad ku ahaa heshiiskii September2020 in la soo gabagabeeyay oo ay harsan tahay kaliya in wareegto lagu soo saaro maamulka degmada garbahaarey.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.



Puntlandes.com

About The Author