Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo ku burburtay garoonka magaalada Xudur

21 July 2021 (Puntlandes) Warrarka laga helayo magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay ku burburtay garoonka magaalada Xudur.

Warar hordhaca ayaa sheegaya inay badbaadeen dhamaan rakaabkii saarnaa, tirda dadka saarnaa iyo sababta keentay burburka diyaaradda lama hayo.

Burburka diyaaraddaan ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa imaanaya xili saacado ka hor degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo ay shil ku gashay diyaarad siday rakaab oo saaka ka duushay magaalada Nairobi, halkaan ka akhriso.

Puntlandes.com

About The Author