Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

22 July 2021 (Puntlandes) Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda FS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa la yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Shalay ayuu sheegay ra’iisul wasaare Rooble in meel wanaagsan ay marayso arrimaha kus aabsan doorashada kuraasta gobolada Waqooyi oo khilaaf uu ka taagnaa.

 

About The Author