Sawirro: Madaxweyne Deni oo lagu soo dhoweeyay Garowe

22 July 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, safar ugu maqna dalka dibadiisa ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Garowe.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaarada ee Garoowe kusoo dhoweeyay, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan , Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka Nugaal , Kan Degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.


Puntlandes.com

About The Author