Sawirro: Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland

Filed under: Wararka maanta |

22 July 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame .

Kulanka oo ahaa is xogwareysi, waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.


Puntlandes.com