Arday Afar kun kor u dhaafaya oo Muqdisho ku dhacay Imtixaanka dugsiga Sare

22 July 2021 (Puntlandes) Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka dugsiyada sare ee dalka.

Natiijada ayaa lagu sheegay in 34908 arday ah oo sanadkaan imtixaanka u fadhiisatay Imtixaankana ay hartay 14%, halka 86% ay Ku soo baxeen Imtixaanka .

Ardayda gobolka Banaadir ayaa markale sanadkan arday faro badan ay ku dhaceen imtixaanka,waxaana haray arday gaareysa 4382 arday halka ardayda Galmudug ay ka dhaceen 2 arday oo kaliya.

Ardayda ugu sareysa natiijada imtixaanka oo tobanka dhibcood ay ahayd ayaa waxaa ka gashay 16 arday oo wax ka bartay dugsiyo ku yaal gobolka Banaadir, dawlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Jubbaland.

Hase yeeshee ardayda ugu sareysa oo 16 arday ah ayaan ku jirin ardayda wax ka barata dugsiyada ku yaal dowlad goboleedka Hirshabelle.

Hoos ka Akhriso Natiijada u Horeeyo iyo kuwa dhacay


Puntlandes.com

About The Author