Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo gaaray Gaalkacyo

24 July 2021 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa waxaa maanta uu gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxaa kale oo safaarka kula weheliyey wasiirka Safiirka JFS u fadhiya Dalka Belgium & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yasin Hashi, sidoo kale Maareeyaha Guud ee Airport-ga Adden Adde iyo saraakiil ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga.

Wasiirka ayaa kasoo kicitimay magalada muqdisho ee magaalada Muqdisho, isagoo ayaa inta uu joogo Gaalkacyo kulamo kala duwan la yeelandoona bulshada qaybaheeda kaladuwan.


Puntlandes.com

About The Author