Daawo Muuqaal: Nabadoonada & cuqaasha beesha Abakor Ciise oo madaxweyne Deni u diray digniin ku saabsan kursi Aqalka Sare

24 July 2021 (Puntlandes) Nabadoonada iyo cuqaasha beesha Abakor Ciise oo shir ku yeeshay magaalada Garowe ayaa digniin la xiriirta kursiga Aqalka Sare u jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni.

Cuqaasha iyo nabadoonada ayaa sheegay in Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ay kursiga Aqalka Sare ee gobolka Nugaal u saxiixeen mudane Ibraahim  Faarax Gaas sidaasna loogu gudbiyay madaxweyne Dani.

Odayasha ayaa madaxweynaha Puntland uga digay in uu kursigaas siiyo cid aan ahayn Ibraahim Faarax Gaas oo beeshiisa iyo isimada gobolka Nugaal u saxiixeen xubinimada Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author