Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan iyo Iftin Baasto oo ku guuleystey doorashada Aqalka Sare

29 July 2021 (Puntlandes) Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday Senatarkii 3aad ee ku guuleysta tartanka doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismayo.

Senatar Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay codad 55 cod halka musharaxii la tartamayay Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 Cod.

Kursiga uu ku guuleysey Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Faadumo Xasan Aadan (Faadumo Gariyo).

Sidoo kale Iftiin Xasan Iimaan Baasto ayaa waxaa uu Cod gacan taag ah ku noqday Sanator ka Afraad ee maanta la doortay, kadib markii uu Ibraahim Yacquub ayaa u tanaasulay.

About The Author