Akhriso Magacyada Saraakiil oo la dalacsiiyay

29 July 2021 (Puntlandes) Waxaa la dalacsiiyay 174 sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyaka, dib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday.

Ciidamadda la dalacsiiyay ayaa badankood ah kuwa ka tirsan ciidamada milateriga gaarka ah ee Gor-Gor waxayna u badanyihiin kuwa ka howgalayay gobolka Gedo iyo ciidamaddii Muqdisho kula dagaalamay ciidankii ka hor yimid muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee, Dastuurka KMG ee dalka ayaa waxa uu dhigayaa in Madaxweynaha markii uu dhamaado muddo xileedkiisa dalacsiin, darajo ka xayuubin, magacaabis iyo xil ka qaadis sameyn karin.

Sidoo kale dalacsiintan ayaa ka horimanaysa heshiiska ay hore u gaareen saraakiishii iyo siyaasiyiintii Badbaado Qaran iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasi oo dhigayey in ciidanka aan loo kala eexan oo aan laga aar gudan ciidanka iyo saraakiisha Badbaado Qaran ee ka soo horjeestey qorshihii madaxweyne Farmaajo ee uu ku doonayay mudo kororsiga.

Hoos ka akhriso magacyada Saraakiisha la dalacsiiyay


Puntlandes.com

About The Author