Ciyaartooy Qarax lagula eegtay Kismayo

30 July 2021 (Puntlandes) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismayo ee xarunta KMG ee Jubaland ayaa sheegaya in qarax miino lala eegtay gaari Bas ah oo ay saarnaayeen ciyaartooy ku sii jeeday garoonka kubbada cagta ee magaalada Kismayo.

Wararka waxay sheegayaan in labo ka mid ah ciyaartoydii saarneyd baska ay dhinteen halka lix kalana ay dhaawacmeen. Ciyaartoyda gaariga saarnaa ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen koox lagu magacaabo JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

 

About The Author