Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyey inay is casilaan shaqaalaha iyo ciidamada dawladda haddii ay u tartamayaan Gole deegaan

31 July 2021 (Puntlandes) Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo horay u asteeyay in maalinta 25 ka Oktoobar ay noqonayso maalinta doorashadu ka qabsoomay degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn ayaa shaaciyey in ay is casilaan shaqaalaha iyo ciidamada dawladda haddii ay u tartamayaan Gole deegaan

Sida ku cad qodobka 5aad ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka, waxaa reeban in aysoo galaan liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada dawladda haddii aysan iska soo casilin shaqada ay hayaan 60 casho ka hor doorashada.

Puntlandes.com

About The Author