Sawirro: Amb. Ameerika oo Garowe ku samyn doona daahfurkii 2aad ee buugiisa Danjire

31 July 2021 (Puntlandes) Amb. Maxamed cali Nuur (Ameerika) oo soo ahaan jiray safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo xalay ku daahfuray magaalada Garowe buugiisa Danjire ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa ku sheegay maadaama xalay hoolkii ka buuxsamay dadkii ka soo qaybgeli lahaa daahfurka buugga inuu mar labaad magaalada Garowe ku  daahfuri doono buuggiisa.

Amb. Ameerika ayaa ayaa qoraalkiisa ugu mahadceliyey dadkii gacanta ka siiyey daahfurka buugga, hoos ka akhriso qoraalka Amb. Ameerika:

Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa reer Garowe oo xalay aad ii sharfay oo xafladdii daahfurka buuga Danjire uu hool kii buuxdhaafiyay. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Madaxweynaha Puntland Mudane Said Abdullahi Dani oo iigu hambalyeeyay buuga, Wasiirada, Xildhibaanada, dhallinyarada iyo dhamaan ka soo qaybgalayaashii daahfurkii xalay. Waxaan kaloo si gaar ah ugu mahadcelinayaa dadkii gacanta iga siiyay abuubulka daahfurka: Wasiir Ali Haji Warsame, Abdinasir Ismail , Habiib Farah , Ummal khayr Cawad , Dr. Said Mohamed Awkombe, Mohamed Abdullahi. Maadaama ay dad badan ka buuxsantay xafladdii xalay, waxaan samayn doona daahfurkii 2aad ee Garowe.


Puntlandes.com

About The Author