Marakykanka oo  cirka ka duqeeyey iyo SNA iyo Galmudug oo dagaal ku qaaday Alshabaab

01 Aug 2021 (Puntlandes) Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa lagu qaaday saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey.


Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo Alshabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar.

Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha maraykanka.

Puntlandes.com

About The Author