Rooble oo amar ku bixiyay in la joojiyo kiraynta Tiyaatarka Qaranka

30 Aug 2021 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe in uu ka laabto ijaarka maqaaxi ku taal gudaha Tiyaatarka Qaranka kadib markii ay cabasho ka keeneen abwaaniinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal goor dhow la soo dhigey taleefishinka qaranka ayaa u qornaa sidan;

War Saxaafadeed

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cismaan Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka isaga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Hal abuurka iyo fannaaniinta Qaranka ay ka keeneen cabasho.

War qoraal ah oo Wasiirku ka soo saaray arrinkaas wuxu u dhigay sidatan:

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Waad mahadsantihiin

Cismaan Abokor Dubbe

About The Author