Sawirro: Axmed Karaash oo kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir

10 Okt 2021 (Puntlandes) Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kormeeray wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo uu ka socdo dib-dayactir lagu sameynayno.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u kuurgalay sida shaqadu u socoto waxaana uu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo maamulka shirkada gacanta ku haysa wadada, wuxuu boggaadiyay shaqada socota isagoo kula dar-daarmay in lasii dardargeliyo.

Kormeerka waxaa ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdi Ibraahim Warsame, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada DPL, Labada Guddoomiye ee Gobollada Sool iyo Nugaal, Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.


Puntlandes.com

About The Author