Daawo muuqaal: Farmaajo oo soo dhaweeyey goaanka ICJ, eedeeyeyna….

12 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan go’aanka kama danbeysta ah ee ka soo baxay Maxakamadda ICJ ee kiiska dacawadda Badda Soomaaliya ayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey miro-dhalka dadaalladii waddaniga ahaa ee lagu difaacayey Baddeenna.

Farmaajo ayaa xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay la kulantay culaysyo badan oo diblomaasiyadeed si ay u xaqiijiso guushan taariikhiga ah, iyada oo dowladda Kenya ay qaadday tallaabooyin ay ku carqaladayneysay habsami u socodka dacwadda Badda, isla markaannaa ay ku dooneysay in qol mugdi ah loogu xalaaleeyo baddeenna.

Dhanka kale Farmaajo ayaa u dusiyay siyaasiyiin horay xil uga soo qabtay Soomaaliya inay heshiis is-afgarad oo Baarlamaankii 8aad diiday ay la galeen dawladda Kenya, iyadoo ay Maxkadda aduunka ICJ markii ay goaanka ku dhawaaqaysay xustay inuu Soomaaliya bad-baadiyey heshiiskaasi.


Puntlandes.com

About The Author