Fikirka Sharci ee Xaakim Cabdulqawi Axmed Yusuf oo ka horyimid xukumkii ICJ

Filed under: Wararka maanta |

Qoraalkaan waa fikirka sharci ee uu ka qabo Garsoore Cabdulqawi Yuusuf oo ka tirsan Maxkamadda Caddaaladda kana mid ahaa 4 Garsoore oo ka hortimid go’aanka aan xaqa ahayn ee maxkamaddu gaartay maanta.


Qoraalka Xaakim Cabdulqawi waxaa ku qoran qodobo muhiim ah oo maxkamaddu baal martay iyadoo si indho la’aan ah oo aysan jirin sharci ay u cuskatay inay Dhul Soomaaliyeed Kenya iskaga xukuntay.

1- Waxa uu maxakamdda ku raacay diidmada doodda Kenya ee ah in Soomaaliya ogolaatay in xuduudda badda labada dal loo cabbiro qaab feersimasho ah ama barbarsocod.
2- Waxa oo kale oo uu sax ku tilmaamay in ay Maxkamaddu diidday codsiga Kenya ee ah in xudduudda loo cabbiro qaab barbarsocda loolka.
3- Waxa uu ku raacay in Maxkamaddu adeegsatay layn toosan marka ay cabbiraysay xudduud badeedka (12NM) si waafaqsan qodobka 15-aad ee UNCLOS.
4- Wuxuu ku diiday maxkamadda qaybo ka mid ah xadaynta oo uu ku tilmaamay in meelaha laga qaatay inay noqdaan asalka cabbirka (Base Points) aysan waafaqsanayn sharciga UNCLOS iyo xeerarka maxkamaddaba.
“Meelaha ay maxkamaddu u dooratay inay noqdaan asal cabbireed waxay abuureen layn dhexe oo aan jirin, kaas oo loogu talagalay inuu abuuro ama u ekaado mid gudub ah (Bisector Line) ayadoo aysan jirin wax sabab ah oo loo adeegsan karo cabbiraadda xudduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya”
5- Marka la joogo xadaynta Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) iyo Aagga Qolfoof Badeedka (Continental Shelf) wuxuu ka horyimid qaabka maxkamaddu u fulisay habka seddexda-marxaladood ee loo fiiriyo xadaynta. Gaar ahaanna leexinta xariiqda tooska ah ayadoo maxkamaddu raadisay golxo (Concavity) iyo goysmo(Cut-off) aan jirin, ayadoo adeegsanaysa waxay ugu yeertay “Qaabayn Juquraafiyeed ballaaran” (Broader Geographical Configuration). Waxa uu sheegay in aysan sax ahayn in la tixgeliyo cawaaqib juquraafiyeed aan waxba ka quseyn muranka dhexyaal labada dal iyo xeebahooda ayadoo la samaynayo isbedel juquraafiyeed ku salaysan xukunka (Judicial Refashioning of Geography) kaas oo aan waafaqsanayn xeerka markab “berrigu badda ka badanyhay” iyo habdhaqanka maxkamadda toona!
Waxa kale oo uu diiday adeegsiga ereyga (Cut-off)kaas oo aan ka turjumayn macnaha saxda ah ee ereyga luqad ahaan lagana leexiyey macnihiisa shacri ee marka la xadaynayo badda!
6- Waxa kale oo uu ka horyimid adeegsiga xarriiqda godon ee sida qaldan loogu saleeyey xariiqda toosan ee la leexiyey markii la cabbirayey inta u dhaxaysa badda gudaha iyo qalfoof badeedka (200nm) inay keenayso sababayn qaldan marka iyana la xadaynayo waxa ka shisheeya qalfoof badeedkaas. Wuxuu sheegay in sababtaasi aysan ku iman ayadoo la tixgelinayo in xannibaadda ku imaanaysa badda Kenya ay sababteedu tahay heshiiska ay la gashay Tanzania kaliya ee aysan ahayn mid wax raad sharci ku leh kala xadaynta badda ee Kenya iyo Soomaaliya u dhexaysa!
Waxa kale oo uu sheegay in xarriiqda qaabka qaldan loo leexiyey ay sababayso waxa xukunku ugu yeeray goob laga yaabo in muran ka yimaado (Possible Gray Area) taas oo abuuri doonta muran cusub oo ay abuurtay maxkamaddu!

Halkan ka akhriso iyadoo ku qoran luuqadda Ingiriiska; Qoraalka Xaakim Cabdulqawi

Puntlandes.com