Wararkii u dambeeyey ee dagaalka Guriceel

23 Okt 2021 (Puntlandes) Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa weli ka socda dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo is kaashanaya iyo xoogaga Ahlusunna , kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa haatan lagu soo warramayaa inuu ka socda xaafadaha dhinaca waqooyi ee magaalada, waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas teel teel ah oo ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

Shacabka ayaa intooda badan isaga barakacay Guriceel, waxaana magaalada ku haray dad yar oo u badan dhalinyaro, isla-markaana looga tegay inay ilaaliyaan guryaha iyo hantida.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Galmudug iyo dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan dagaalkaasi.

Guriceel ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka dhashay, kadib markii Ahlu Sunna ay dhowaan la wareegtay gudaha magaaladaasi.

About The Author