Madaxtooyadda oo sheegtay in Farmaajo la xiriiray guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda ee Puntland ee ku tartamayey doorashada
26 Okt 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la xiriiray guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda ee Puntland ee ku tartamayey doorashada hordhaca ah.
War saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Farmaajo bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda.
Dhanka kale meelna loogama xusin War saxaafadeedka dawladda Puntland iyo madaxweyne Siciid cabdulaahi Deni.
Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Madaxtooyadda:
Madaxweyne Farmaajo oo la xiriiray guddoomiyeyaasha ururrada siyaasadda ee Puntland ee ku tartamayey doorashada dadweynaha
Muqdisho, Oktoobar 26, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ee Puntland ee ku tartamay doorashada dadweynaha ayaa ugu hambalyeeyey natiijada dhiirri-gelinta mudan ee ay ka soo hooyeen deegaannada ay ku qabsoontay doorashadu.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Maamulka iyo bulshada Puntland, Guddiga Doorashada iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb-galay sida ay ugu midoobeen ka dhabeynta qorshaha dimuqraadiyeynta Puntland oo tallaabadii ugu horreysay loo qaaday, isaga oo ku adkeeyey in ay sii ballaariyaan tijaabada.
Dhankooda, Guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda xiriirka uu la soo sameeyey iyo sida uu u dhirri-gelinayo hannaanka dimuqraadiyadeed, iyaga oo tilmaamay ifafaalaha wanaagsan ee arrintani ay u leedahay hannaanka siyaasadda dalka.
DHAMMAAD
Cabdirashiid Maxamed Xaashi
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS