Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo booqday Wadada SIN-UJIIF oo lagu wado dayactir iyo dib u habeyn ballaaran

21 Nov 2021 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo safar shaqo uga ambabaxey Garoowe ayaa booqday Wadada SIN-UJIIF oo lagu wado dayactir iyo dib u habeyn ballaaran.

Wasiirka, ayaa kormeeray shaqada Wadada iyo sida ay u socoto, waxaana uu la kulmay Masuuliyiinta Shirkada Albaashi ee oo gacanta ku haya Dhismaha Waddada.

Masuuliyiinta shirkadda ayaa Wasiirka uga xog-warramey habsami u socodka shaqada socota, waxeyna si gaar ah u xuseen in ay qalab tayo leh galiyeen Buundada oo aad u muhiim ah.
Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo safarkiisa shaqo sii wata ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar.

Imaanshihiisa Qardho ayaa salka ku haya ka qeyb galka tababar loo xirayo Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Dowladda Puntland.


Puntlandes.com

About The Author