Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo kormeeray Buundooyinka deegaanka Qayaadsame ee Goblka Karkaar

23 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Buundooyinka deegaanka Qayaadsame ee Goblka Karkaar, oo dayactir iyo dhisme ay dowladdu ku wado.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybta koowaad ee Buundada weyn ee deegaanka Qayaadsame oo ay gooyeen Roobabkii ka da’ay Puntland, haddana ay dowladdu dhisayso oo shaqo ku socoto.

Wuxuu Madaxweynuhu warbixin ka dhegaystay Injineerada iyo shirkadda dhismaha gacanta ku haysa, isagoo si qoto dheer ugu kuurgalay dhismaha iyo sida uu u socdo. Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeeray Buundada labaad ee Qayaadsame oo Dowladdu dhistay dhowaana xarigga laga jaray.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ahmiyad gaar ah siiyay dhismeyaasha kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeyso dayactir iyo dhisme lagu sameeyo wadada weyn ee isku xirta Gobollada Puntland oo roobabkii ugu danbeeyay ay burbur u geysteen.

Dhammaan wadooyinka la dhisayo iyo dayactirka wadooyinka, waxay Dowladda Puntland ku dhiseysa cashuurtii dadweynuhu bixiyeen oo dib-ugu-celisay dalka, dhismaha waxaa fulinaya shirkadaha dhismaha ee Puntland.



Puntlandes.com

About The Author