Muuqaal Jawaari “Si daahfuran waxaa loo samaynayaa gaboodfal lagu talaxtagayo xuquuqda muwaadinka, xaqiisa siyaasiga ah oo ah in la doorto iyo inuu wax doorto waa laga horyimid”

25 Nov 2021 (Puntlandes) Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari oo Baydhabo u joogay inuu u tartamo kursiga 103 tartankiisa yahay ayaa lagu hor joogdsaday inuu tartamo.

wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu u diidan inuu ogolaado musharaxnimada Jawaari, ayada oo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ay u diideen shahaadada musharaxnimo. 

Jawaari ayaa yiri “Si daahfuran waxaa loo samaynayaa gaboodfal lagu talaxtagayo xuquuqda muwaadinka, xaqiisa siyaasiga ah oo ah in la doorto iyo inuu wax doorto waa laga horyimid, wax meeshaan oo nidaam dawladeed ah oo xawq ah oo wax lagu wqaybinayo uma jeedo”


Puntlandes.com

About The Author