Inkiraada Madaxweyne Gaas ee Makiinada Lacagta Faalsada, Waxa ey lamid tahay, Puntland waa Naag Qurxoon oo Sanad walba Guursata Nin Aalkoliste ah

Garowe (Pes) Maalinba Maalinta ka dambeysa waxaa soo Ifbaxaya Hab dhaqanka Saxda ah ee Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Iyo Is-been fariimida Iyo Inkiraada Qayaxan ee uu la soo taagan yahay.

Waxaa Maanta Iyo Caawa Dad badani is-weydiinayaan Hadalkii Maanta kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas, Ee ku saabsanaa Makiinada Lacagta Faalsada. Jawaabtii laga filayay Iyo Qirashadii Makiinada ayuu Wariyihii ku Celiyay Jawaabta, Afkaagaan ka maqlay?? Suaalaha la is weydiinayo ayaa ah, Hadiiba Madaxweyne Abdiwali Gaas Uu Afka Wariyaha ka maqlay Makiinada Lacagta Faalsada, Yaa Isla leh Makiinada Bangiga Bossaso taala?? Ma Waxa uu Madaxweyne Gaas lee yahay kama War Hayo Makiinadaas?? Hadiiba uu Run yahay Warka Madaxweynaha sow lama oran karo Puntland Dowladi kama jirto ileen Makiinadan Ganacsato Madaxweyne Gaas Saaxiib la ah ayaa keeney Dalka?? Hadii dhinaca kale laga fiiriyo Makiinadan Aafeyn doonta Shacabka Puntland muxuu Madaxweyne Gaas u joojin waayay?? Hadiiba uu ka Xishooday kuna Dhiiran waayay Makiinada Lacagta Faalsada sow ma cada iney Dambi Iyo Khatar ku tahay Shacabka Puntland Hadiiba Madaxweyne Gaas Diiday inuu qirto?? Suaalahaas markaad si dhab ah isu weydiisaan Waxaa idin soo baxeysa Been Iyo Inkiraad uu wado Madaxweynaha Puntland, Waxaa lala socdaa inuu isagu howsha Makiinada Masuul ka yahay,

Waxaa sidoo kale Cad inuu Lacago Maalgalin ah Ka qaaday Ganacsato Saaxiib la ah kuwaasoo Soo Iibiyay Makiinada Lacagta Faalsada Iyo Warqadaha lagu Daabaco. Waxaan oran karnaa Inkiraada Madaxweyne Gaas, Ee Makiinada Lacagta Faalsada Waxa ay lamid tahay, Hadalkii Gafka ahaa ee uu ka sheegey Xafladii Kumanaankan ey joogeen ee Magaalada Dubai oo ahaa, Puntland waa Naag Qurxoon Sanad walbana Guursata Nin Aalkoliste ah, Hadalkaas oo ahaa Hadal Gaf ahaa aadna uga Careysiiyay Shacabka Puntland, ayuu Inkiray Markuu Gaalkacyo yimid Isagoo yiri ma oran hadalkaas.

Hadaba Dad badan ayaa la yaabay Inkiraadii uu Inkirey Hadalkii Gafka ahaa Iyadoo La soo bandhigay Fiidiyowgii Habeenkaas oo Ilaa Iyo Maanta laga helayo YouTube. Hadaba Saaxiibayaal Inkiraada Madaxweyne Gaas ma aha mid cusub ee waa mid La soo Arkay balse Waxa uusan ogeyn Madaxweyne Gaas in lala socdo Siyaasadiisa Fadhiidka ah Iyo Inkiraadiisa Qayaxan. Ogow Madaxweyne Shacabka Puntland Doqomo ma aha. 

Puntlandes.com

About The Author