Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen taliyaha cusub iyo taliyihii hore ciidanka Asluubta Puntland

28 Nov 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii cusub ee Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Bile Faarax Cali iyo Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Puntland Gen. Cali Nuur.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu muddo dheer soo qabtay Gen. Cali Nuur Taliyihii Asluubta ee maanta xilka wareejiyay, Wuxuuna ku maamusay in Bilad Shahaado Sharaf uu ku muteystay sida uu usoo dhisay uga a shaqeeyay po wakhti badan u geliyey Ciidanka Asluubta Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in xarunta Kuliyadda Tababarada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, ee ku taalla Garoowe loogu magac daro Gen. Cali Nuur, maadaama uu dhowr iyo toban sano ka badan kasoo shaqeynayay dhismaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u dhacday munaasabadda xilwareejinta Taliyeyaasha Ciidanka Asluubta Puntland, Wuxuuna sheegay in Dowladnimadu ku dhisantahay awaamiir iyo kala danbeyn. Taas oo ay laf-dhabar u tahay sareynta sharciga oo aysan dowladdu marnaba gorgortan ka gelayn.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Cadaaladda, Saraakiisha Ciidamada Asluubta iyo Booliska Puntland iyo martisharaf kale.



Puntlandes.com

About The Author