Daawo Muuqaal: Boqor Buurmadow oo sheegay in si qaldan loo fasirey hadal uu yiri

30 Nov 2021 (Puntlandes) Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo shi jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay war dhawaan laga faafiyay oo dhaliyay muran badan.
Boqor Buurmadow waxa uu xusay in fasiraad qalad ah laga bixiyey war uu ka sheegay kulan beeleed ka dhacay magaalada Baydhabo.

”Hadalkii aan dhawaan ka sheegay shirkii Beeleedka ahaa waxaa loo dhigay meel aan biyo dhiciisa aheyn si qaldan ayaa loo fasiray waana la siyaasadeeyey” ayuu yiri Boqor Buurmadow.

Waxa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id Boqor Buurmadow inuusan taageersanayn mabd’a Alshabaab isla markaana uusan raali ka ahayn in dhiig Muslim la daadiyo ha noqoto qaab diimeed iyo qaab kalaba.

Ugu dambeyntii Boqor Buurmadow ayaa sheegay inuu raaligelin buuxda siinayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibsaday hadalkii dhawaan kasoo yeeray.

Warka Boqor BuurMadow ayaa waxaa si weyn uga carooday siyaasiyiin faro badan oo uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir oo maanta bartiisa ku soo daabacay inuu taageersan yahay in la dhigo banaanbaxyo loogaga soo horjeedo Boqor Buurmadow.


Puntlandes.com

About The Author